Wariye Somali Channel oo dhaawacmay

Image caption Isbitaalka Madina ayaa la geeyay dhaawaca wariyaha.

Niman hubaysan ayaa saakay ku weeraray gurigiisa wariye ka tirsan telefishinka Somali Channel. Nimanka hubaysan ayaa watay gaari yar oo ay ku baxsadeen.

Cabdirisaaq Jaamac (Black), ayaa dhaawaciisa la dhigay isbitaalka Madina, halkaasoo dhaqaatiirta ay ku daawaynayaan.

Wariyaha ayaa dhaawac ka soo gaaray caloosha iyo gacmaha. Waxaa kaloo dhaawac uu soo gaaray wiil kale oo ay wada fadhiyeen.