Askar dhunkasho shaqada looga eryay

Tanzania Lahaanshaha sawirka
Image caption Boliiska Tanzania ayaa sheegay inay anshax xumo tahay in askari uu meel fagaaro ah wax ku dhunkado.

Labo askari oo dalka Tanzania u dhashay ayaa shaqada laga eryey kaddib markii ay meel banaan ah isku dhunkadeen.

Sawirrada laga qaaday labadan askari ayaa lagu soo daabacay baraha bulshadu ku wada xiriirto kaddibna waxaa laga muujiyay caro xoog leh,

Askartan is dhunkatay ayaa lagu eedeyeey anshax darro iyo inay bulshada horteeda wax qalad ah ku sameeyeen.

Labadan askari ayaa waxay ka shaqaynayeen magaalada Kagera ee galbedka dalka Tanzania waxay isdhunakdeen iyagoo ku xiran lebiska boliiska, taasoo loo arkay inay ahayd arin anshax xumo ah.

Sawirkan waxaa aalada internetka soo galiyay askari kale oo ah ninka sawirka qaaday oo isna shaqada laga eryey.

Bulshada sawirka aragtay ayaa siyaabo kala duwan u dhiibtay afkaartooda.

Qaar ka mid ah dadka Tanzania ayaa sheegay in aysan munaasab ahayn in askari shaqada looga eryo dhunkasho awgeed.