Kulanka hogaamiyayaasha Shiinaha

Image caption Kulanka hogaamiyayaasha Shiinaha.

Hogaamiyayaasha Shiinaha ayaa bilaabay kulankooda muhiiimka ah ee sanadlaha oo sanadkan xooga saari doono in isbadal lagu sameeyo habka sharciga waddanka.

Laakiin dadka ku xeel dheer Shiinaha, ayaa sheegaya in xisbiga hantiwadaaga ee talada haya uusan doonayn inuu sameeyo garsoor xor ah oo awoodiisa dhima.

Kooxaha u dooda xuquuqda bini'aadanka ayaa ku eedeynaya hogaamiyayaasha Shiinaha, inay ku guuldaraysteen xaqa aasaasiga ee qofka uu sharci difaaca u leeyahay, gaar ahaan arrimaha siyaasada.

Kulanka afarta maalmood ayaa ka dhacaya magaalada Beijing waxaana isku imanaya boqolaal qof ah hogaamiyayaasha sare ee xisbiga.