Canada oo sheegtay in aan la cabsigalin karin

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Steven Harper, Raisal wasaaraha Canada

Rai'sal wasaaraha Canada, Steven Harper ayaa sheegay in wadankiisa aan lagu cabsigalinkarin, weeraradii halista ahaa ee dhawaa kuwaas oo lagu dilay labo askari, qof hubaysana uu ku galay xarunta baarlamaanka.

Khudbad uu ka jeediyay Talafeshinka, Harper waxa uu ku sheegay in ay labanlaabidonaan dadaalada ka dhan ka ah kuwa rajaynaya in ay dhibaato ka gaystaan dalkooda.

Bandawgii amni ee lagu soo rogay caasimada wadankaasi ee Ottowa ayaa la qaaday inkasta oo loo malaynayo in agagaarka baarlamaanku ay wali xiranyihiin.

Ninkii qoriga watay ee lagu dilay xarunta baarlamaanka dhexdiisa ayaa magaciisa lagu sheegay Michael Zehaf-Bibeau.