Haweeney lagu daldalay Iran

Lahaanshaha sawirka FACEBOOK
Image caption Haweeneyd la daldalay; Reyhane Jabbari

Dowladda Iran ayaa daldashay haweeney la sheegay in ay dishay nin doonayay in uu kufsado.

Reyhane Jabbari oo 26 sano jir ahayd, ayaa caan ka noqotay Iran iyo caalamkaba, kaddib markii ay dadka isticmaalla barta bulshada kuwada xiriirto ee twitter-ka, ay bilaabeen olole lagu doonayo in lagu badbaadiyo.

Balse dowladda Iran waa ay diiday in ay cafiso gabadhaasi.

Reyhane Jabbari ayaa la xiray sanadkii 2007-dii, kaddib markii lagu eedeeyay in ay dishay nin u shaqeyn jiray wasaaradda mukhaabaraadka ee Iran.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in haweeneydan ay qiratay in ay ninka toori ka galisay dhabarka, balse qolka uu falka ka dhacay uu ku sugnaa qof kale oo dhamaystiray dilka.

Amnesty ayaa intaa ku dartay in dowladda Iran aanay baaritaan dhab ah ku sameyn macluumaadka ay bixisay Reyhane Jabbari ee ku aaddan cidda sida dhabta ah uga dambeysay dilka ninka ka tirsan wasaaradda mukhaabaraadka.