Turkiga oo caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Turkiga ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in uusan daacad ka ahayn la dagaalanka kooxda Daacish.

Ra’iisalwasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in uu ula yaabay eedeymaha reer galbeedka eek u wajahan qaabka uu Turkiga ula dagaalamayo kooxda Khilaafada Islaamka ee dalka Suuriya.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da ayaa ra’iisalwasaare Ahmet Davutoglu waxa uu sheegay in ay khalad tahay in Turkiga laga sugo in uu ciidamo u diro gudaha Suuriya si ay ula dagaalamaan kooxda Daacish ee dooneysa in ay qabsato magaalada Kobane ee woqooyiga dalka Suuriya, haddii buu yiri dowladaha reer Galbeedka aysan diyaar u ahayn in ay sidaasi si la mid ah sameeyaan.

Waxa uu intaasi ku daray in dalkiisa uu faraha la galayo hawlgal milatari oo ka dhan ah Daacish haddii Mareykanka iyo xulufadiisa ay sidoo kale dagaalkooda ku wajahaan ciidamada dowladda madaxweyne Asad ee dalkaasi Suuriya.

Turkiga ayaa u ogolaanaya ku dhawaad 200 oo dagaalyahanno Kurdish ah in ay Ciraaq ka soo tallaabaan oo ay Turkiga sii maraan si ay ugu gudbaan dhanka Suuriya.