EU oo ka wada hadlaya soo galootiga

Saraakiisha ilaalada xadka Midowga Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Brussels si ay uga wadahadlaan sida ugu wanaagsan ee loola tacaali karo qulqulka soo galootiga qaaradda Yurub.

Kullankan, waxa uu dhacayaa aydoo maanta lagu wado in dawalda Talyaaniga ay isu diyaarineyso inay ku wareejiso ilaalada badda Mediterranean-ka xoogag xadidan oo EU ah, kuwaasi oo xoogga saari doona ilaalinta xadaka halkii ay ka fulin lahaayeen baaris iyo badbaado.

Golaha qaxootiga Yurub ayaa sheegay niyad ahaan ay qaladan tahay in laysku dayo in la weeciyo soo galooti cusub iyadoo la ogolaanyo dad badan inay badda ku dhintaan.

Ugu yaraan sadax kun ayaa ku qarqay sanadkii la soo dhaafay iyagoo isku dayay inay gudbaan, waxayna ciidamada badda Talyaaniga ay badbaadiyeen boqol iyo konton kun oo kale.