Mareykanka oo sugaya ammaanka Washington

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Xoghayaha arrimaha ammaanka gudaha Jeh Johnson ayaa sheegay in ammaanka aad loo adkeyn doono

Mareykanka ayaa shaaciyay in uu adkeynaya ammaanka dhismooyinka dowladda ee ku yaala Washington iyo magaalooyinka kale ee dalkaasi.

Waaxda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in tallaabadani ay tahay mid taxaddar lagu muujinayo kaddib markii ay soo bexeen hanjabaado weeraro ka dhan ah mareykanka oo ka imaanaya kooxaha argagixisada.

Waxa ay sidoo kale ugu baaqday milkiilayaasha iyo maamuleyaasha goobaha muhiimka ah iyo shacabka in ay taxaddar muujiyaan.

Arrintani ayaa waxa ay daba socotaa toogashadii askari loogu geystay usbuucii la soo dhaafayt meel u dhow dhismaha baarlamaanka dalka Canada.