Ciidamo la dul dhigay masjidka Al-aqsa

Image caption Dadka da'da yar ayaa loo diiday inay masjidka galaan

Israa'iil ayaa aad u adkeysay amniga nawaaxiga masjidka Al-qadsa ee magaalada Qudus, halkaas oo maanta dib loo furay si loogu tukada salaadda Jimcaha kaddib markii la xiray Khamiistii oo rabshado ay ka dheceen.

Kumannaan askeri oo Israa'iiliyiin ah oo aad u hubeysan ayaa masjidka u ogolaanayay inay galaan dadka 50 ka sano ka weyn oo keli ah.

Falastiiniyiinta ku sugan Qudus ayaa ku baaqay in la isugu yimaado dibad baxyo ay ku sheegeen "Maalinta Caradooda", taas oo daba socota nin Falastiini ah oo booliska Israa'iil ay toogteen.

Waxaa ninkaasi looga shakiyay inuu ka qeyb galay weerar arbacadii lagu qaaday dhanka midigta oo ay ku cibaadeysteen Yahuudda.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo xiisadda sii hureysa ee magaalada.