Awoodda Burkina Faso oo lagu loolamayo

Lahaanshaha sawirka afp
Image caption Colonel Isaac Zida ayaa ah nin kii labaad ee sheegtay xilka madaxweynaha

Sarkaal ka tirsanaa ilaalada madaxweynaha dalka Bukina Faso ayaa habeenimo la wareegay awooda dalkaasi waxa uuna ballan qaaday in dalkaasi ku yaala galbeedka Afrika uu ku hoggaamin doono doorasho kaddib marka uu is casilay madaxweyne Blaise Compaore, kaas oo hadda u muuqda in uu inqilaab ku riday madax ciidamada.

Mr Compaore oo aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay ayaa xilka ka dagay jimcihii shalay kadib laba maalmood oo ay socdeen dibad baxyo ka dhashay isku day uu doonayey in uu ku kordhisto mudada uu xilka hayay.

Ugu yaraan seddax qof ayaa lagu dilay dibad baxyada iyadoo dhowr dhismo oo ay dowladda leedahay la gubay halka kuwa kalana la bililiqeystay.

Wax yar kaddib is casilaada madaxweynaha, ayaa madaxa ciidamada uu sheegay in uu xukunka la wareegay.

Balse waxaay hadda u muuqataa in loolan awoodeed uu ka dhex dilaacay ciidamada, loolankaasi oo ku aadan cida hoggamaamineysa dalka.

Is qabqabsiga ciidamada

Ninka labaad ee ugu sareeya ciidmada ilaalada madaxtooyada gaashaanle dhexe Isaac Zida ayaa xalay ka soo muuqday telefishooyinka qaranka ee Bukina Faso isaga oo sheegayo in uu qabsaday xukunka dalkaasi.

Waxa uu sheegay in uu dalka hoggaamin doono muddo kooban uuna xaqiijinayo in dalka uu ku soo dabaalo dimuqraadiyad.

Waxa uu intaa ku daray in hadda la sameynayo guddi heer qaran ah oo lagala tashanayo dhamaan axzaabta siyaasdeed iyo ururada bulshada rayidka ah.

Weli macada in madaxa ciidamada Bukina Faso General Traore, oo mar sii horeysay sheegay in uu awooda dalka la wareegay la xiray iyo in kale.

Garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha dalkaasi ayaa la xiray waxaana hadda dalka ka dhaqan galay bandow.