UN oo baaq u dirtay Millitariga Burkina Faso

Image caption Qaramada Midoobay waxa ay millitariga uga digayaan in ay saamayn ku yeelandoonto haddii aysan xukunka shacabka ku wareejinin.

Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika ayaa ku baaqay in Hogaamiyeyaasha Millitariga ee hadda maamulaya wadanka Burkina Faso in ay talada ku wareejiyaan shacabka ama ay wajihidoonaan cawaaqib xun.

Dhanka kalana Dibad-baxayaal ayaa markale isugu tagay bartamaha caasimadda Burkina Faso, ee Ouagadougou, si ay u dhigaan bannaanbax ka dhan ah ciidamada oo awoodda la wareegay.

Waxay naaneys uga dhigeen fagaaraha bartamaha magaalada "fagaaraha kacaanka".

Xisbiyada mucaaradka ayaa dalbanaya in bulshada raiyadka ah ay hogaamiyaan dowladda ku meel gaarka ah illaa laga gaarayo xilliga doorashooyiinka madaxtinimada dalkaasi.

Wakiilka UN ee Burkina Faso Mohamed ibn Chambas, ayaa taageeray dalabka mucaaradka, wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobey ay ka fogaaneyso in cunno qabateyn lasaaro dalkaasi.

Sabtidii ciidammada xoogga dalka Burkina Faso ayaa Sarreeye Gaas, Colonel Isaac Zida, u magacaabay inuu yahay hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi kaddib Mudaaharaadyadii meesha ka saaray Madaxwaynihii xilliga dheer wadanka hogaaminayay ee Blaise Compaore.

Wadanka Maraykanka ayaa cambaareeyay iskudeyga militariga oo ay ku sheegeen in ay doonayaan inay dadka shacabka ah ku soo rogaan waxa ay iyagu doonayaan.