Dadka qaadaya Ebola oo kordhaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kooxaha duugista qaabilsan oo si taxadar ah u duugaya mayd qof Ebola u dhintay.

Mid ka mid ah hayadaha gargaarka ee caalamiga ayaa ka digtay in tirada cusub ee dadka Ebola qaadaya ay si dhaqso u kordhayso dalka Sierra Leone, oo ka mid ah saddexda waddan ee galbeedka Afrika ee uu aad u sameeyay cudurka.

Madaxa Save the Children, Justin Forsyth, ayaa sheegay in cabsi badan ay ka jirto gobolka. Justin Forsyth, oo booqanaya Sierra Leone ayaa BBC u sheegay in dadaalka gargaarka uu bilaabayo inuu saamayn ku yeesho dadka.

Wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay wacyi galin badan si looga hortago cudurka inuu faafo, gaar ahaan sidii dadka loogu sheegi lahaa inaysan dhaqin maydka intaysan duugin.