Qarax ka dhacay Nigeria

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shiicada Nigeria

Qarax ka dhacay meel ay isugu imaadeen muslimiinta shiicada ee waqooyi bari Naigeria ayaa dilay ugu yaraan shan iyo toban qof. Dad goobjoogayaal ah ayaa BBC u sheegay in dadka ay dhinteen markii qof isku qarxiyay dad ku cibaadaysanayay magaalada Potiskum.

Dadka ayaa isu yimid si ay u xusaan dhimashada wiilka uu awoowga u yahay Nabi Maxamed ee Xuseen. Kooxda Boko Xaraam ayaa horay weerar ugu qaaday magaalada.