Qarax ka dhacay magaalada Qaahira

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Masar waxaa dhowaanahan weeraro ka waday kooxo lagu sheegay xagjiriin

Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay meel u dhow madaxtooyada, waxaana ku dhaawacmay haweeney mareysay meel u dhow halkaasi.

weerarka ayaa ka mid ah qaraxyo is xigxigay oo ka dhacayay dhowaanahan dalka Masar.

Arbacadii, qarax bam oo ka dhacday saldhig tareenada dhulka hoostiisa mara ee Qahira ayaa seddax ruux ku dhaawacmeen.

Qaraxaasi ayaa yimid wax yar kaddib markii uu bam ku qarxay tareen taagnaa gobalka Menufiya kaas oo dilay labo police ah dhaawacyana ugu yaran 8 kale.

Tiro badan oo ciidamo iyo police ah ayaa lagu dilay weerarada xagjiriiinta ilaa markii madaxweynihii Islaamiyiinta, Mohamed Morsi, ay afgambiyeen Militeryga sanadkii hore.