Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Seeraar oo ka jawaabay weerarka Kudhaa

Image caption Jasiirada Kudhaa ayaa u dhow Kismayo

Maamulka ku meel gaarka ah ee Juba ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay jasiiradda Kudhaa ee gobolka Jubada Hoose.

Alshabaab waxa ay sheegeen in ay halkaasi ku dileen in kabadan lixdan askari oo ah ciidamada maamulka juba, hayeeshee afhayeenka maamulka Juba Cabdinaasir Seeraar oo waraysi siiyay BBC-da ayaa dacaayad ku tilmaamay sheegashada Alshabaab.

Wuxuu sheegay in dhankooda ay dagaalka uga dhinteen shan iyo toban askari. Soddon ka mid ah dhaawaca ayaa la geeyay Gaalkacyo.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, oo taleefanka kula hadlay Cabdinaasir Seeraar ayaa waydiiyay marka hore sida dagaalku ku bilowday.