Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Halkuu marayaa shirka Baydhabo

Shirka baydhabo ee dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo gudbiyay shalay war qoraal oo ah ay wadajir uga soo saareen madaxda u sareeya dawladda Soomaaliya.

Waxaa la faray qabanqaabiyayaasha in ay hakiyaan shirka laba todobaad, si looga wada tasho in uu noqdo shir loo dhan yahay.laakinse shirkii waa uu socdaa,waxaana soo baxday in ay qodobo soo saareen.

Haddaba, wariyaha BBC Abdirisaaq Catoosh ayaa telefoonka baydhabo ku wareystay Siyaad Sheikh Omar oo ah afhayeenka shirka oo marka hore waydiiyey inay heleen qoraalka.