Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

Kulan deeq bixiyayaasha iyo dowladda Soomaaliya oo ka horeeya shir Soomaaliya ee ka dhacaya magaalada Copenhagen ee Denmark toddobaadka danbe ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay wakiilo ka socda deeqbixiyayaasha, diblomaasiyiin, dowladda Soomaaliya, maamulada Puntland, Galmudug iyo Juba.

Waxaa looga hadlay wadashaqaynta dowlada iyo Deeqbixiyayaasha. Madaxweynaha ayaa sheegay in Bangiga adduunka uu kala shaqaynayo dowladda sidii loo dhisi lahaa hayadaha maaliyada iyo lacagaha.