Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maaliyada Soomaaliya oo la casriyaynayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daaha ka rogtay nidaam lacagta lagu bixiyo oo ku shaqeynaya qaab elektronik ah oo ay ugu magac dareen Maareynta Maaliyadda Qaran ee Soomaaliya. Nidaamka ayaa wuxuu hirgalayaa sanadka cusub waxaana ka caawinaya dowladda Bangiga Adduunka.

Shir Muqdisho ka dhacay ayay wasaaradda maaliyaddu uga dhawaaqday mashruucan.

Hannaanka maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegaa inuu hareeyay musuq maasuq iyo wax isdabamarin.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.