Booliska Kenya oo weeraray Masaajid

Image caption Boliiska Kenya

Booliska Kenya ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Masaajida Musa iyo Shakinah uu daba socday kaddib markii ay sirdoonka ogaadeen in masaajidaasi ay gaashaan u ahaayeen dhalinyaro xag jir ah oo ku sugan magaaladaasi.

Qof ayey booliska toogteen kaddib markii sida la sheegay uu iska dayay inuu bam gacmeed ku tuuro booliska.

In kabadn 250 qof ayaa lagu qab qab tay howlagalkan, kaasi oo sidoo kale ku fiday xaafadaha ku hareeraysan masaajidaasi.

Bistoolad, 8 bam gacmeed iyo calan lala xiriirinayo kooxda Al Shabaab ayaa sidoo kale laga helay masaajidda, sida ay sheegeen booliska.

Waa markii labaad oo sanadkan gudahiisa ay boolsiku weeararaan masjid Muusaa.

Boolsika ayaa ku andacoonaya in masaajidkaasi loo isticmaalo in lagu qoro laguna tababaro dhalinyarada dooneysa in ay ku biiraan kooxda Al Shabaab.

Masidkan ayaa waxaa horay u maamuli jiray sheekha dooda badan dhaliyay ee la oran jiray Aboud Rogo, kaasi oo la toogtay bishii Agoosto ee sanadii 2012-ka.

Cabsi laga qabo weerraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Mombasa ayaa cirka isku sii shareeray, taasina waxa ay horseeday in si aad ah ay hoos ugu dhacaan dalxiisayaashii tegi jiray gobolka Xeebta ee Kenya.