Iran iyo wadamada awooda badan oo kulmaya

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Muranka Iran iyo wadamada quwada badan u dhaxeeya

Lixda quwadood ee ugu waaweyn caalamka iyo dalka Iraan ayaa maanta oo talaada ah caasimada Vienna ku leh wareegii ugu dambeeyay ee wada xaajoodyada, ka hor xilligii kama dambeysta ahayd ee ay horey u qabsadeen si ay heshiis uga gaaraan barnaamijka niyuukleerka ee dalkaasi Iraan, wakhtigaasi oo ku eg 24-ka bishaan.

Balse waxa wali jira kala qeyb sanaan aad u weyn, taasi oo ku saleysan mustaqbalka kobcinta Yureeniyaanta dalkaasi Iraan iyo xilliga lagu beegay xayiraad ka qaadista.

Iran iyo dalalka lixda ah ee ugu quwadda weyn caalamka ayaa waxa ay haystaan muddo ka yar hal usbuuc si ay xal uga gaaraan muranka ku saabsan barnaamijka muranka dhaliyay ee niyuukleerka dalkaasi Iraan.

Murankani ayaa soo jiray muddo ka badan toban sano, waxa uuna sare u qaaday cabsi laga qaba in uu dhaco dagaal cusub oo ka billowda bariga dhexe.

Lixdani waddan ee ugu quwada weyn caalamka ayaa doonaya in ay xaqiijiyaan in Iraan aysan awood u yeelan in si deg deg ah ay u sameysato hubka niyuukleerka.

Waxa ay doonayaan in ay si aad ah u yareeyaan kobaca yuureeniyaanka dalkaasi Iraan ee xasaasiga ah.