Qof ku dhintay Rabshado ka dhacay Mombasa

Image caption Hub laga helay masjid ku yaala Mombasa

Ugu yaraan hal qof ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhintay, tiro kale oo dad ahna ay ku dhaawacmeen kaddib markii ay isku dhaceen Booliska iyo dhalinyaro, masaajid ku yaala magaalada Mombasa oo la yiraahdo Masaajidka Swafaa.

Ciidan xooggan ayaa haatan la geeyey masjidka si ay u ilaaliyaan.

Arbacadii ayaa boolisku waxa ay weerareen masjidkan, waxayna sheegeen in ay ka heleen hub isugu jira bambooyin iyo wax yaabaha qarxa.

Ilaa iyo imika booliska ayaa waxa ay albaabada u laabeen afar masjid oo ku yaala magaalada xeebta ku taala ee Mombasa.

Masaajidadan ayaa waxay la xiriiriyeen koox dhalinyara ah oo xagjir ah.

Booliska ayaa waxay sidoo kale xireen in ka badan 400 oo da’yar ah iyadoo weli ay boolisku wadaan hawlgalo ay ku baadi goobayaan kooxaha xagjirka ah.

Xiisad ayaa ka taagan magaalada.