US: Waa lagu kala fogyahay wadahadalada Iiraan

Lahaanshaha sawirka AFP

Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka ayaa sheegay in ay jiraan kala duwanaasha aad u daran oo ku aadan wadahadalda barnaamijka Niyuukliyeerka ee Iiraan.

Hasayeeshe, waxa la sheegay in Mareykanka uu aad ugu dadaalayo sidii la isugu soo dhawaan lahaa.

Jimcihii, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa dib u dhigay qorshihiisii ahaa in uu ka tago Vienna, oo waxa uu go'aansaday inuu sii wado wadahadalada uu kula jiro dhigiisa dalka Iiraan Javad Zarif.

Waxay isku dayayaan in ay meesha ka saaraan ismarinwaaga, ka hor inta aan la gaarin Isniinta oo ah mudada kama dambeysta ah ee loo qabtay in la gaaro heshiis.

Wadahadalada ayaa u muuqda in yihiin kuwa adag.

Dhinacyada ayaa doonaya in ay meesha ka saaraan sanado ay jireen is aaminaad la’aan, waxaana weli taagan kala duwanaansho aad u daran.

Labada arrimood ee la isku mari la’yahay aya waxa ay yihiin; waqtiga Iiraan laga qaadi doono cunaqabateenada iyo xaddiga uu gaarsiisan yahay Iiraan in ay taya kordhin ku samayso macdanta yuraaniyamka, taya kordhintaasi oo loo adeegsan karo in lagu dhaliyo koronto iyo sidoo kale in lagu soo saaro hub niyuukliyeer ah.

Iiraan waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijkeeda uu yahay mid ammaan ah.

Haddaba haddii ay dhacdo in heshiiis lagaaro, waxa uu noqonayaa mid taariikhi ah.