Alshabaab oo Mandhera ku dishay 28 qof

Image caption Ciidammada ammaanka Kenya

Wararka ka imanaya magaalada Mandhera ee Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in ugu yaraan 28 qof lagu dilay deegaanka Cumar Jilicow, kaddib markii lagala degay bas ay saarnaayeen oo halkaa marayay.

Baska ayaa u socday caasimada Nairobi.

Alshabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi, waxaana ay ku tilmaamtay mid ay ugu aargudeyso "Muslimiinta Mombasa lagu dhibaateynayo".

Dableyda dilka geysatay ayaa lagu soo warramayaa in ay kala soocayeen dadka Muslimka ah iyo kuwa aan Muslimka ahayn, ayna dilayeen dadka aan Muslimka ahayn.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka la laayay ay u badan yihiin macallimiin barayay iskuullo ku yaalla Mandhera.

Ammaanka Kenya ayaa sii xumaanayay tan iyo markii ay ciidammada dalkaasi galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay ula dagaallamaan Al-shabaab.