Ciidamo dheeraad oo la geynayo Ferguson

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Rabshadaha magaalada Ferguson

Barasaabka gobolka Missouri ee dalka Mareykanka ayaa ammar ku bixiyay in ciidamo dheeraad ah la geeyo magaalada Ferguson, maalin un kaddib markii ay halkaa ka dhaceen rabshado ka dhashay go'aankii xeer beegta ee ahaa in aan maxkamad lasoo taagi doonin nin boolis cadaan ah oo dilay wiil madow ah.

Barasaab Jay Nixon ayaa sheegay in magaaladaasi loo diri doono in ka badan laba kun iyo laba boqol oo askari.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo khudbad ka jeediyay magaalada Chicago ayaa sheegay in uu doonayo in tallaabooyin cayim la qaado, si loo hubiyo in ciidammada ammaanka ay si isku mid ah ula dhaqmaan qowmiyadaha oo dhan.

Dhanka kale, Obama ayaa sheegay in aan loo baahneyn rabshadaha ka dhacay magaalada Ferguson.