Dalalka Faransiiska ku hadla oo shiraya

Lahaanshaha sawirka n
Image caption Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande

Waxaa maanta caasimada dalka Senegal ee Dakar ka furmaya shir madaxeedkii 15-aad ee ay yeelanayaan hoggaamiyayaasha dalalka ku hadla afka Faransiiska.

Madaxda ka qeyb gali doonta shir madaxeedkan ayaa waxaa ka mid ah hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee dalka Burkina Faso, Michel Kafando, oo markii ugu horreysay safar dibadda ah u baxay, tan iyo markii la doortay 17-kii bishan.

Shir madaxeedka ayaa lagu dooran doonaa xoghayaha guud ee uu yeelanayo ururka ay dalalkaasi ku mideysan yihiin.

Waxaa xilkaasi hayay 12-kii sano ee lasoo dhaafay madaxweynihii hore ee dalka Senegal, Abdou Diouf.

Waxaa hadda sharraxan 5 musharax, kuwaasi oo doonaya in ay xilka kala wareegaan Abdou Diouf.

Waxaa musharixiintaasi ugu cadcad madaxweynihii hore ee Burundi, Pierre Buyoya iyo nin Canada u dhashay oo lagu magacaabo Michaëlle Jean.

Xoghayaha guud ee cusub ayaa waxaa horyaalo shaqo culus oo ah in uu qaabeeyo jahada ururka La Francophonie ee dhowrka sano ee soo socda.

Ururka ayaa sanadihii lasoo dhaafay si weyn galaangal ugu lahaa siyaasadaha dalalka xubnaha ka ah, waxaana uu goob joogayaal u diray doorashooyin ka dhacayay dalal ka tirsan oo Afrika ku yaalla.

La Francophonie ayaa ku talla jira in uu sameysto hannaan dhaqaale oo u gaar ah, waxaana shir arrimaha dhaqaalaha ku saabsan uu ururka yeelan doonaa labada maalmood ee ugu horreeya bisha December.

Shir madaxeedka ayaa la filayaa in laga soo saaro qaraar ku aaddan la dagaalanka cudurka Ebola.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan