Shirka isbadalka cimilada

Image caption Gaaska CO2 ee hawada gala.

Shirka Qaramada Midoobay ee isbadalka cimilada ayaa ka furmay magaalo madaxda Peru ee Lima. Shirka ayaa la isku dayi doonaa in heshiis laga gaaro dhimista gaaska CO2 ee hawada gala. Ilaa toban kun oo wakiilo ayaa doonaya inay heshiis ka gaaraan qoraal qabyo ah oo la dhamaystiri doono sanadka danbe.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in laba iyo toban maalmood shir socon doona ay dhiiri galisay ku dhawaaqida Maraykanka iyo Shiinaha inay dhimayaan gaaska CO2.

Bishii September, malaayiin qof ayaa ku banaanbaxay adduunka si looga qaado tallaabo isbadalka cimilada.