Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Urur siyaasad oo lagu dhawaaqay

Magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed kale oo loo bixiyey Xisbiga Daljir, oo xafladii loo qabtay ay ka qayb galeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno ka socday ururrada bulshada.

Ha yeeshee ururadan siyaasadda ama xisbiyada ee la furayaa waxay soo baxayaan iyadoo baarlamaanka federaalka Soomaaliya uusan wali sharciyeyn axsaabta iyo hannaanka doorashooyinka.

Haddaba asaasayaasha ururkan siyaasadda ee Daljir, waxaa ka mid ah Abdishakuur Mire Adan, oo ah guddoomiye ku xigeen wuxuuna ujeedadooda uga waramay wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan.