Ebola oo saameeyay hannaanka waxbarashada

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Iskuullada ayaa xiran tani iyo markii Ebola uu ka dillaacay Galbeedka Afrika

Dalalka uu sida xun ugu dhuftay Ebola ee galbeedka Afrika, ayaa lagu baraarujinayaa inay si deg-deg ah dib ugu furaan iskuulada, si gacan looga geysto in shan milyan oo carruur ah ay u helaan waxbarasho, oo ay dib iskuullada ugu noqdaan.

Koox caalami ah, oo waxbarashada u ololeysa, ayaa sheegtay in waxbarasho deg deg ah la bixin doono tan iyo inta iskuuladda ay sidii caadiga ahayd uga bilaabmayaan.

Waxay tilmaamayaan haddii aanan la qaadin tallaabo deg deg ah, in caruur badan ay suuragal tahay in aysan dib ugu noqon iskuulada.

Mid ka mid ah dadkii wax ka qoray warbixinta, oo lagu magacaabo Chernor Bah, oo ka tirsan hay’dadda lagu magacaabo “Caalamka waa waxbarasho”, ayaa sheegay in iskuulada ay yihiin meesha kaliya ee dadka laga wacyi gelin karo.

Waxa uu tilmaamay in carruurta aan iskuullada imaan ay ku sugan yihiin jidadka, loona baahan yahay in da’yarta lagu hayo meel ay uga gabadaan Ebola.