Dibadbaxyada Maraykanka oo sii socda

Lahaanshaha sawirka
Image caption Maraykanka waxaa si weyn looga carooday dilka ninka madowga ah

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay magaalada New York iyaga oo ka cabanaya go'aanka ah in aan dacwad lagu soo oogin askari caddaan ah oo ka tirsan booliska oo ku lug lahaa dilka nin madow ah oo aan hubeysnayn. Dadkani dibadbaxa dhigaya ayaa isugu uruuray meel u dhow xarunta booliska waxa ayna dalbanayaan caddaalad.

Dadka dibadbaxaya waxay sidoo kale wataan Naxash macmal ah oo ay tusaale uga dhigayaan geerida ninka la dilay.

Mayor-ka magaalada New York Bill de Blasio ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay in wax laga badalo xiriirka booliska iyo dadweynaha u dhaxeeya. Sidoo kalena loo baahan yahay in nolosha dadka madowga ah loo qiimeeyo sida tan dadka cadaanka ah.

Maalintii Arbacada ahayd booliska magaalada New York waxay xireen dad gaaraya 83 qof oo mudaaharaadayay