La hayste Faransiis ah oo la sii daayay

Faransiiska ayaa sheegaya la haystihii ugu dambeeyay ee dalkaasi u dhashay oo dibadda lagu haystay in haatan la sii daayay. Serge Lazareic ayey Mali ku afduubteen sanadkii 2011 Al-qaacidada Maqrib.

Wuxuu haatan ku sii jeedaa dalka dariska la ah wadankaasi ee Niger halkaasi uu Faransa kaga aadi doono.

Madaxweyne Francois Hollande ayaa sheegay inaysan jirin Faransiis badan oo lahaysteyaal ah oo dunida lagu haysto. Ma jiraan wax xaqiijinaya in lagu bixiyay lacag madaxfurashada sii deynta Lazarevic.

Shaqo lacag badan lagu helo ayey ka aheyd waqooyiga Afrika dadka lahaystenimada loo qabsado hase ahaatee Faransiiska wuxuu ku adkeystay inuusan bixineynin wax madaxfurasho ah.