Haween lagu dilay Tiyeeglow

ciidamada dowladda

Sarraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in todobo haween ah lagu dilay magaalada Tiyeeglow ee gobalka Bakool.

Alshabaab ayaa labo ka mid ah haweenkaasi dilay kaddib markii ay halkaasi weerareen, oo ay gacanta ku hayso dowladda. Alshabaab waxay sheegeen inay u dileen labadaasi dumarka ah iyagoo la shaqeynayay ciidamada dowladda.

Shanta kale waxaa dilay askari ka tirsan ciiidamada dowladda, waxayna ku eedeeyeen inay Al-shabaab xiriir la lahaayeen.

Dhinaca kale, macalin jaamacadeed ayaa toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho dhacdo kale. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegtay dilkaasi.