Warbixinta CIA-da

Qaramada Midoobay iyo kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay in cadaaladda la horkeeno saraakiisha Mareykanka ee amray habka xumaa ee su'aalo weydiinta ee CIA-da ku sameysay dad looga shakiyay Al-qaeda bilowgii weeraradii 11kii September.

Baare sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, Ben Emmerso, ayaa sheegay in hababka lagu faahfaahiyey warbixinta cusub ee Senetka, hurdo u diididda iyo in afka iyo sanka laga xiro oo biyo madaxa loo geliya dadkaas, ay muujisay siyaasadda heerka ugu sareeyay uu sameeyay maamulka Busha taas oo horseeday xadgudubka qeynuunka xuquuqda aadanaha.

Qeybta cadaaladda ee Mareyaknka ayaa sheegtay in warbxinta ay ku jiraan cadeymo aan ku filneyn ee lagu eedeyn karo shaqsiyaadka. Madaxa CIA-da, John Brennan, ayaa difacaay hababka adag ay hey'adiisa qaadatay.