Sagaal qof oo Muqdisho sun ugu dhimatay

Ugu yaraan 9 qof ayaa sun ay cabeen ugu dhimatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halka in ka badan 100 kalana loola cararay cisbitaalka.

Dadkaasi ayaa ku noolaa xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid, waxaana dhakhaatiirta ay sheegayaan in dadkaasi ay cabeen dareero aan ilaa hadda la xaqiijin waxa uu yahay.

Dadka ayaa lagu soo warramayaa in ay fuuq bax u dhinteen.

Gawaarida gurmadka caafimaadka ee Ambulance loo yaqaano ayaa dadkaasi sunta cabay u daabulay cisbaallo ku yaalla Muqdisho.