Heshiis laga gaaray cimilada

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Wadahadalka isbadalka cimilada ee ka socda Peru.

Laba toddobaad kadib oo ay socdeen wadahadalada Qaramada Midoobay ee cimilada ee ka socda Peru, wakiilada ayaa ku heshiiyay talaabooyin lagu gaaraayo heshiis cusub ee cimilada.

Laakiin heshiiskan ayaa la gaaray kadib markii dib loo dhigay go'aamo muhiim ah ilaa sanadka danbe.

Qoraalka qabyada ah ayaa balanqaadaya in waddamada saboolka ay helaan lacag dheeraad ah oo ay uga hortagaan kulka cimilada ee kordhaya. Waddamada qaniga ah ayaa loo samaynayaa hab kormeera balanqaadka ay ku yaraynayaan gaaska CO2 ee hawada gala.

Kooxaha deegaanka u ololeeya ayaa sheegay in heshiiska uu awooda ka yaraynayo xeerarka caalamiga ee cimilada.