Baarlamaanka Soomaaliya oo su'aalay xeer ilaaliyaha

Lahaanshaha sawirka
Image caption Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Axmed Cali Dahir.

Sagaal iyo toban wasaaradood ayaa baaritaan ay ku sameeyeen xafiisyada hantidhowrka guud ee Qaranka iyo xeer ilaalinta waxay ku sheegeen masuqmaasuq baahsan inuu jiro.

Maanta ayaa baarlamaanka su'aalo ay waydiiyeen xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir, ayuu ku sheegay sababta keentay warqad ay soo saareen 6-dii bishan. Warqada ayay ku sheegeen inaan wasiirada aysan dalka ka dhoofi karin inta laga samaynayo xilwareejin rasmi ah iyo xisaabtan.

Baaritaanada lagu sameeyay sagaal iyo toban wasaaradood ayaa dhamaaday, waxaana baaritaan uu ku socdaa lix kale. Eedaymaha musuqmaasuqa ayaa la filayaa inay soo baxaan.