Afduubka Australia oo dhamaaday

Australia Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Gabadhan waxay ka soo baxday maqaayadda dadka lagu haysta.

Ciidamada Komandoska ayaa galay maqaayad ku taalla Sydney, iyagoo dhameeyay afduub nin hubaysan oo Iran u dhashay uu ku afduubay dhowr qof.

Afduubka oo telefishinka toos looga tabinayay ayaa dhowr qof oo dhaawac ah ay soo qaadeen shaqaalaha caafimaadka deg dega.

Waxaa dhaawacmay dhowr qof. Lama hubo halka uu jiro ninka hubaysan oo ahaa qaxooti reer Iran.

Bartamaha magaalada ayaa xirnayd tan iyo markii la afduubay dadka aroornimadii.

Dadka la afduubay ayaa lagu qasbay inay kor u qabtaan calanka madow oo ay dariishada saaraan.

Horaantii booliiska Australia ayaa sheegay in ay la xaajoonayaan nin hubeysan, saacado kaddib markii uu tiro dad ah ku afduubtay maqaayad ku taal magaalada Sydney.

Boqolaal boliis ah oo aad u hubeysan ayaa isku gadaamay dhismaha maqaayadda, waxayna xireen agagaarka goobta Martin Place.

Waxaa la arkayay 5 qof oo ka baxsanaya maqaayadda dadka lagu haysto, balse ku xigeenka booliiska gobolka New South Wales , Catherine Burn, ayaa diidday inay kala cadeeyso in dadku ay soo baxsadeen iyo in la soo daayay.

Catherine Burn ma aysan xaqiijin in booliiska ay heleen dalabyo uu u soo gudbiyay ninka hubeysan sida la sheegay in lagu baahiyay baraha bulshada.

Calan madaw, oo ay ku qoran tahay qoraal Carabi ah ayaa muddo kooban ka soo muuqday daaqadda maqaayadda dadka lagu haysto.

Image caption Khariidadda afduubka maqaayadda Australia

Ra’iisal wasaaraha Australia, Tony Abbott, ayaa sheegay in dhacdadaan laga yaabo in ay xiriir la leedahay arrimo siyaasadeed.