UNECA oo ku baaqday dayn cafis

Lahaanshaha sawirka
Image caption Arday yar ayaa aada iskuul dalalka ay saamaysay Ebola.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waydiisanaysa in ammaah bixiyayaasha caalamiga inay ka cafiyaan amaahda ku leeyihiin saddex waddan oo ay saamaysay Ebola.

Warbixinta oo ay soo saartay Hayadda Qaramada Midoobay ee Gudiga Dhaqaalaha ee Africa (UNECA), ayaa sheegtay in Sierra Leone, Liberia, iyo Guinea ay fiican tahay inaan ammaah lagu lahayn markii ay cudurka la dagaalamaan.

Waxay sheegtay warbixinta in cudurka uu saamayn ku yeeshay waddamada dhaqaalahooda, gaar ahaan dhinacyada dalxiiska, maalgalinta, adeega bulshada iyo shaqaalaha.