Weerar 10 qof ku dhimatay Afghanistan

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Afghanistan waxaa markastaa ka dhaco weeraro ay qaadaan Taalibaan

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof ay ku dhimatay weerar lagu qaaday bangi ku yaalla magaalada Lashkar Gah.

Maamulka dalkaasi ayaa sheegay in weerarkan lagu qaaday magaalada ugu weyn ee gobolka Helmand inay fuliyeen laba qof oo bamboo isku soo xiray.

Rasaas aad u xoogbadan iyo ishortaagaan u dhexeysay kooxda dhismaha bangiga qabsatay iyo ciidamada dowladda ayaa hadda la sheegayaa inay dhammaatay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qof walxaha qarxa xirtay inuu ku qarxay gudaha, seddax kalena ay ciidamada toogteen.

Bangiga ayaa loo maleynaayaa in ay aad ugu badan yihiin saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda si ay uga qaataan mushaaraadkooda.

Ururka Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.