Laba askeri oo lagu toogtay Mareykanka

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Gaariga ay wateen askarta la dilay

Laba askeri oo ka shaqeyneysay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa nin hubeysan uu toogasho ku dilay, kaddib qofka toogtay oo ku cararay wado dhulka hoose marta ayaa asigana isdilay.

Markii ugu dambeysay ee magaalada New York lagu dilay askeri waxay ahayd 2011-kii.

Weerarka lagu qaaday labada askeri ee la dilay ayaa si la yaableh uga dhacay magaalada ugu weyn Mareykanka.

Labadan booliiska ah waxay roondo ku marayeen qeybta Bedford-Stuyvesant ee Brooklyn.

Iyagoo dhex fadhiya gaarigooda, ayaa nin hubeysan waxa uu ku furay rasaas. Labadaba waxaa loo qaaday cisbitaal, waxayna u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray.

Toogashadan ayaa imaaneyso iyadoo askarta New York aad isha loogu hayo farsamooyiinka ay isticmaalaan.

Horraantii bishan, xeerbeegti ayaa diiday in dacwad lagu oogo askeriga ceejida ku dilay nin madow ahaa oo lagu magacaabay Eric Garner.

Go’aankaasi waxa uu sababay dibadbaxyo ka dhacay magaalada New York iyo magaalooyiinka kale ee Mareykanka.