Dad daldalaad lagu dilay dalka Urdun

Image caption Ku dhawaad siddeed sano ka hor ayaa dalkaasi la hakiyay fulinta xukunka dilka ah dalkaasi Urdun.

Urdun ayaa daldalaad ku dhishay 11 nin oo lagu eedeeyay dambi ah in ay dil geysteen.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa sheegay in raggaasi oo dhammaantood ah muwaadiniin u dhalatay Urdun la daldalay saaka aroornimadii hore.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Urdun, Xuseen Almajaali, ayaa dhawaan sheegay suurtagalnimada in dib loo soo celin doono ku dhaqanka ciqaabta dilka noocani ah.

Sanadkii 2006-dii ayaa dalkaasi si aan rasmi ahayn loo joojiyay in dadka dambiilayasha ah la daldalo.

Xilligaasi ayuu wasiirku sheegay in dood weyn ay ka dhalatay in kororka falal dambiyeedyada ka dhaca dalkaasi loo adeegsado ciqaabta dilka.

Tan iyo xilligaasna waxaa dil lagu fuliyay 120 qof.

Ciqaabta noocani ay ayaa waxa ay ka jirtaa dalalka ku yaala Bariga Dhexe sida Sucuudi Carabiya, halkaasi oo sanadkan oo kaliya dil lagu fuliyay in ka badan 80 qof.