Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya: Ciidamo tababar dhamaystay

Xerada tababarka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagu qabtay munaasabad tababar loogu xirayay askar loo tababaray in ay qayb ka noqdaan ciidanka commandos-ka cusub iyo koox dalka Uganda ku dhamaysatay tababar leyli sarkaalnimo ah.

Xaflad weyn oo lagu qabtay dugisga tababarka Jazeera ayaa waxa ka qayb galay madax ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa ka qayb galay munaasabadaasi, warbixintan ayuuna Muqdisho ka soo diray.