Dadkale oo Faransiiska Gaari lagu jiirsiiyay

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxwaynaha wadanka Faransiiska Francois Hollande waxa uu ku baaqay in dadka Faransiiska ah aysan argagixin kaddib markii saddex weerar lagu qaday booliis iyo dad wadada marayay.

Hollande waxa uu hadalkaasi jeediyay kaddib markii nin uu gaadhi jiidhsiiyay dad marayay suuq mashquul badan oo ku yaala magaalada Nantes, isaga oo dhaawacay toban qof.

Dacwad oogayaashu waxa ay sheegen in weerarkan ay isu egyihiin midkii Dijon ka dhacay Axadii kadib markii uu nin gaadhi jiidhsiiyay dad wadada marayay.