Ukraine:Oo dhex dhexaadnimo diiday

ukraine Lahaanshaha sawirka EPA

Baarlamaanka Ukraine ayaa u codeeyay diidmada in dalka uusan ahaan dhex dhexaad, uuna u shaqeeyo sidii uu xubin uga noqon lahaa isbahaysiga NATO.

Wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhin doonin, isla markaana hurineysa xiisadda gobolka ka taagan.

Wariyaha BBC-da Moscow, ayaa sheegaya in aanay suuragal ahayn in Ukraine ay mustaqbalka dhow ku biirto NATO, balse go'aanka baarlamaanka uu madax xanuun ku yahay xukuumadda Moscow.

Si ay ugu biirto NATO, dowladda Ukraine ayaa looga baahanyahay in ay si buuxda gacanta ugu dhigto dhulkeeda.

Hadda oo la joogana, qaar ka mid ah gobaladeeda barbiga waxaa ka taliya fallaago gooni u goosad ah oo taabacsan Ruushka, halka ciidammada Ruushkana ay ku sugan yihiin gobolka Crimea.