The interview: Mareykanka laga daawaday

interview Lahaanshaha sawirka AP

Filimka muranka dhaliyay ee ku saabsan shirqoolka khiyaaliga ah ee lagu dilayo hogaamiyaha Waqooyiga Korea ayaa lagu soo bandhigay qaar ka mid ah masraxyada Mareykanka.

Dhowr masrax oo madaxbanaan ayaa isku dubariday inay saqdhexe daayaan filmka oo lagu magacaabo "the interview".

Filimka oo Mareykanka kaliya laga heli karo ayey arbacadii shirkadda Sony Pictures ogolaatay in bogag go'aansaday oo internetka laga daawado filimka iyo sidoo kale Google iyo Microsoft.

Markii ugu horeysay filimka ayaa la joojiyay kaddib hanjabaado ka yimid kuwa internetka jabasada, kuwaasi oo Mareykanka la xiriirinayo Waqooyiga Korea.

Sony ayaa sheegtay go'aanka filimka lagu fasaxay inuu u taagan yahay sida ay uga go'an tahay xoriyatul-qowlka.