Xaflad aroos oo 15 qof ay ku dhinteen

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ka hor madfaca, goobta waxaa ka dhacday israsaaseyn

Madfac ku dhacay goob ay ka socotay Xaflad aroos ee dalka Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 15 qof, tobannaan kalena way ku dhaawacmeen.

Arrinta waxa ay dhacday kaddib is rasaseyn xoog badan oo dhex martay ciidanka dalka Afghanistan iyo koox ka tirsan Talibaan.

Weerarkan oo ka dhacay gobolka Helmand ayaa imaanayo maalintii ugu dambeysay ee ciidamada Mareykanka iyo NATO ee howlgakooda dalka Afghanistan.