US oo cunna qabateyn saartay Waqooyiga Kuuriya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jung-un

Dowladda Mareykanka ayaa cunna qabateyn cusub saartay maamulka Waqooyiga Kuuriya, taas oo ay uga jawaabeyso weerar dhanka internetka ah oo lagu qaaday shrkadda Sony, laguna eedeeyay Waqooyiga Kuuriya.

Cunna qabateynta ayaa la saaray ganacsiga hubka, laanta sirdoonka iyo 10 xubin oo ka tirsan dowladda Waqooyiga Kuuriya.

Maamulka Kuuriya Waqooyiga ayaa diiday inay u dheceen kumputarada shirkadda Sony pictures, taas oo la sheegay inay uga jawaabayeen filim laga sameeyay shirqool lagu dilayo hogaamiyaha dalkaasi, Kim Jong-un.