Shirkada Shell oo magdhow bixineysa

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shidaalka ku daatay deegaanka Bodo ee gobalka Niger Delta

Shirkadda weyn ee shidaalka soo saarta ee Shell qeybteeda Nigeria, yaa ogalaatay in ay bixiso lacag ku dhow 80 million oo dollar, oo magdhow ahaan ay u siineyso qowmiyad uu saameysay shidaal shirkadaasi ka daatay.

Shirkada Shell ayaa qiratay in ay masuul ka ahayd shidaal ku daatay deegaanka Bodo ee ka tirsan gobalka Niger Delta.

Urur garyaqaano British ah oo logu magacaabo Leigh Day, oo matalaya qowmiyadaasi ayaa kiiskan geeyay maxkamad ku taalla magaalada London.

Kiiskan sharciga ah ayaa noqday mid aad loogu loolamay, maadaama qowmiyad sabool ah oo kaluumeysi ku tiirsan ay dacwad ku oogtay shirkada weyn ee Shell qeybteeda Nigeria.

Kumannaan qof oo ku nool deegaanka Bodo oo uu shidaalka ku daatay ayaa heli doona min 3,000 oo dollar qofkiiba.

Sidoo kale qowmiyada ayaa guud ahaan la siin doonaa 30 million oo dollar oo dheeraad ah.

Shidaalka daatay ayaa saameyn ba’an ku yeeshay beerashada iyo kalluumeysiga deegaankaasi.

Shirkada Shell ayaa dhaleeceyn kala kulantay kooxaha u ololeeyo deegaanka oo sheegay in ay shirkadu qarisay inta uu gaarsiisan yahay xajmiga shidaalka daatay.

Heshiiskan magdhow bixinta ah ayaa wadada u furi kara kiisas kale oo ka dhan ah shirkadaha shidaalka ee dalka Nigeria.