Kerry oo xal ugu baqay Pakistan iyo Hindiya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka john Kerry waxa uu booqasho aan la shaacinin ku tagay dalka Pakistan

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry waxa uu sheegay in uu aad ooga walaacsanyahay rabshadihii dhawaa ee ka dhacay xadka lagu muransanyahay ee Pakistan iyo Hindiya. Waxa uu labada dalba ugu baaqay in ay la yimaadaan xal diblamaasiyadeed.

Kerry ayaa hadalkaasi sheegay isaga oo booqasho ku jooga Islamabad si uu Pakistaan oogala hadlo hawlgalka ay wadaan ee kadhanka ah malayshiyaadka ay ku jiraan Taliban.

Waxa uu amaanay hawlgalka wayn ee ay Millitarigu ka wadaan waqooyiga galbeed ee dalkaasi. Hawlgalkaas oo bilawday bishii June ee sanadkii hore, waxa uuna ku tilmamaamay in natiijo wanaagsan laga gaadhay hawlgalkaasi.