Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sh.Shariif Sayid Cali oo la dilay

Waxaa xalay rag hubaysan ay ku dileen dibada masjidkii uu imaamka ka ahaa magaalada Baydhabo, Sheekh caan ka ahaa gobolada Bay iyo Bakool oo la oran jiray Sheekh Shariif Sayid Cali.

Sheekha ayaa mudo fog waxa uu ka shaqaynayay dacwadda, isagoo sidoo kale kaalin wayn ku lahaa dib u heshiisiinta deegaanada uu sheekhu ka soo jeeday.

Sheekh Xasan Cabdulaahi laahi Isxaaq, waxa uu kamid ahaa culimida sida weyn u yiqiinay Sheekha la dilay iyagoo saaxiibo dheer ahaa, weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan ayuu uga waramay sida dilka marxuumka uu u dhacay iyo taariikhdiisa.