Congo ayaa ku guulaysatay ciyaarteedii u horaysay

Xulka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo ee ka qeyb qaadanaya tartanka koobka Qaramada Afrika, ayaa xalay gaaray guushii ugu horeysay ee tartankaasi ah tan iyo sanadkii 1974-tii.

Congo ayaa 1-0 kaga badisay Gabon, waxaana goolka u dhaliyay Prince Oniangue. Waxaana ay sidaa afar dhibcood hogaanka ugu qabatay Group A.

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Koobka Qaramada Afrika

Waxaa sidoo kale wada dheelay Burkina Faso iyo Equatorial Guinea oo isla dhaafi waayay barbaro 0-0 ah. Waa kulankii ugu horreeyay ee tartankan ku dhammaado natiijo noocaas ah.